Madaxda Dowlad Goboleedyada oo la kulmaya Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha dowlada goboleedyada dalka, ayaa maanta lagu wadaa inay la kulmaan Xubnaha Aqalka Sare, kahor inta aysan kasoo ambabaxin Muqdisho, oo 9-kii maalmood ee lasoo dhaafay Shir uga qeyb-galayeen.

Kulanka Aqalka Sare iyo Madaxweyniyaasha maamullada Federaalka, ayaa iska wareysan doona xaaladda dalka uu marayo, caqabadaha taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shanta Madaxweyne ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa kulanka ka qeybgalaya, waxayna uga warbixin doonaan Aqalka sare waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii kusoo dhamaaday shalay Muqdisho.

Aqalka Sare oo matala maamullada laga soo doortey, oo ay ilaaliyaan danaha shacabka iyo deegaanadooda, iyagoo dowladda dgexe kala xisaabtama xuquuqaha dadka soo doortey.

Waa markii ugu horeysay oo Aqalka Sare la kulmo Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka, iyadoo tani ay xoojinayso xiriirka labada dhinaca, oo hadda wadashaqeyn wanaagsan ka dhaxayso.

Wararka hoose ee Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada, oo ay wehliyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre kulan la qaateen shalay Wakiiladda Beesha caalamka u fadhiya Muqdisho.

Ujeedka Kulankan ayaa ahaa inay ku wargeliyeen saaxiibada Soomaaliye ee Beesha caalamka inay heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay, kadib shirkii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, oo shalay lasoo gaba-gabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM