Madaxda federaalka oo si dadban isaga difaacay eedihii Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah si maldahan uga jawaabay eedo uga yimid madaxweynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabaya dhaliisha ah in uu federaaleynta dalka u hirgelinayo qaab danahiisa u adeegaya ayaa andacoodey in mashruucan uu isaga ka horeeya.

"Federaaleynta dalka Xasan Sheekh ma keenin. Dastuurka ayay ku qoran tahay in dalku federaal yahay. Laakiin [arrimihii] dadka ka dhaxeeyay inta la jiido yaan la isku-dayo in laga dhigo [kuwa degaan gaar ah]," ayuu yiri.

Dhankiisa, ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray in aysan u joojin doonin dad uu ku tilmaamay "in ay isku-dayayaan carqaladeynta horey u socoshada Soomaaliya".

"Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega, oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo. Lugaha la iskaga dhego ama qadaadka, waa la dhameystirayaa dastuurka sanadkan," ayuu tibaaxay.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay shirka sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya, halka Xamse Cabdi uu khudbad u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Qaahira ee Masar.

Deni ayaa ku eedeeyay hogaanka dowladda federaalka "in ay dalka dib ugu celinayaan nidaamka dowlada dhexe. Hadalkan wuxuu sheegay xilli uu diidey saxiixida federaalka garsoorka iyo kala xadeynta awoodaha federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM