Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna oo looga yeeray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Somalia, ayaa ugu yeertay madaxda sare ee Galmudug iyo Ahlu Sunna inay yimaadaan magaalada Muqdishu, oo lagu wada inuu ka furmo shir lagu heshiisiinayo labadaasi dhinac.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo Guddoomiyaha Barlamanka maamulkaas Cali Gacal Casir ayaa ka duulay Cadaado, waxayna tageen maanta Muqdishu.

Mas'uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ayaa sidoo kale la filayaa inay maalinta berri ah tagaan Muqdishu, oo 12-ka bishan April ka furmayo shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wada-hadallada Ahlu sunna iyo Galmudug oo mudo 5 maalmood ah ka socon doono Muqdishu, ayaa waxaa dhex-dhexaadin doono madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo Wakiillada beesha caalamka.

Ujeedka Shirka ayaa ah in dhinacyada lagu heshiisiiyo, lana dhameeyay khilaafkooda daba-dheeraaday ee la degay gobollada dhexe, kahor inta aysan dhicin doorashada Madaxweynaha Galmudug 30-ka April.

Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ogolaatay inay la midowdo Galmudug, markii Madaxweyne Farmaajo Muqdishu kula kulmay hogaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir bishii February, ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM