Madaxda maamulada oo ku kala jabay ajandaha amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda maamuladda oo maalinkii 4aad ku shirsan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku guuldaraystay in ay isku raacaan cida qaadaysa masuuliyada amniga ee xiliga kala guurka ah iyada oo amnigu uu ka mid ah caqabadaha waawayn ee horyaalla doorashada iyo dhismaha dowlad-nimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo ay gadaal ka riixayaan Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa si aad ah u doonaya in shirka uu isku raaco qodobkan, laguna wareejiyo masuuliyada amniga dalka haddii aanay taas dhicinna aan dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Midowga Musharaxiinta ayaa horay u dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.

Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku gacan seeray arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada sidaas darted laga dodo dhamaystirka doorashada iyo caqabadaha horyaalla geed-socodka codaynta oo waqtigeeda dib uga dhacday.

Warbixinaha horucada ah ayaa xusaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madooble madaxweynaha Jubbaland ay si weyn ugu taageereen Ra’iisul Wasaaraha arrinta Amniga inuu mas’uul ka noqdo, halka Madaxweynaha Hirshabelle aanay mowqifkiisa caddeynin.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka isla ogolyahay ayaa ah in waqti cayiman oo laba bil ah loo qabto doorashada Soomaaliya in lagu soo geba-gebeeyo balse waxa la isku raaci la’yahay qodobo ay ka midyihiin masuuliyada amniga iyo awooda odoyaasha dhanka ee ka kooban 135 oday.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda ku shirsan Muqdisho in ay jadwal la isku halleyn karo u sameeyaan xiliga lasoo afjaro doorashadda, maadaama horey loogu fashilmay jadwalladii la sameeyay sanadkii la dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM