Madaxda maamuladda Soomaaliya oo wada gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyneyaasha maamuladda Soomaaliya ayaa wada gaarey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kaga furmayo shir ay uga arrin-sanayaan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], hogaamiyaha dowlad goboleedka shirka martigelinaya ee Galmudug, ayaa si diiran mid-mid ugu soo dhaweeyay wafuuda madaxda ay horkacayaan, iyagoo si kooban ula hadlay saxaafada.

Madaxda oo ka gaabsaday in ay kasii horudhacaan ajendaha shirka ayaa rajeeyay in kulanka uu noqdo mid ay kasoo naxaan "natiijo aad u fiican".

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in ajendaha shirka ay kamid yihiin arimaha hor-tabinta u leh qaranka gaar ahaan doorashooyinka 2020-ka.

Kulankaan ayaa ka dhashay wadahadal dhanka Internet-ka ah oo madaxdu yeelatay ka gedaal markii uu fashilmay Shirkii Amniga Qaranka oo madaxweyne Farmaajo u muddeeyay in uu Muqdisho ka dhaco 5-7 bishan July.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la sameeyay baro-kontaroolo cusub oo ku yaala halka la filayo in uu shirka ka dhaco.

Shirkaan oo noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo madaxda maamuladdu yeeshan muddo kadib ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo xal u noqonaya "xaalada cakiran ee waddanka uu haatan ku jiro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM