Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay kadib go'aankii ICJ

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq, ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Kenya Lucas Tumbo, waana markii ugu horreysay tan iyo markii maxkamadda ICJ ay go'aamisay dacwadda muranka badda Oct 12.

Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, kulanka ayaa ahaa mid lagu dhisayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaasoo ay isku afgarteen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya kulankii ay yeesheen bishii August.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo safiirka Kenya waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo kalfadhiga saddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo sii amba qaado dhinacyada danta guud, sida ganacsiga, maalgashiga, amniga, difaaca, beeraha, dalxiiska, iyo dadka” xiriirka dadka iyo dadka.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee jaarka ah ee bariga Afrika ayaa ahaa sannadihii u dambeeyay mid hooseeya. Qayb weyn oo ka mid ah khilaafkooda waxuu salka ku hayay muran dhinaca badda ah oo ay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay go'aamisay bishii hore.

Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankan, iyadoo Farmaajo uu ugu baaqay Kenya inay aqbasho xukunka maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in dowladdiisa ay diiday go’aankaas, islamarkaana aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM