Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ku kulmi doona magaalada Qaahira

Image
Madaxweynaha Masar ayaa booqasho ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaahira (GO) - Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Axmed Abu Zeid, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sameh Shoukry uu ku wajahan yahay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sharaxay in Shoukry uu gaarsiin doono Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, taasoo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Masar uu sidoo kale kulan wada tashi ah la yeelan doono dhiggiisa Dowladda Eritrea, Cismaan Saalax, iyadoo la sii wadi doono wadatashiga ku aadan caqabadaha hadda taagan ee heer gobol iyo heer caalami, oo ay ugu muhiimsan yihiin, dagaalka Marinka Qasa iyo xaaladda ka taagan Geeska Afrika.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu booqasho ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM