Madaxda Maamulada oo dib ugu noqon doona Muqdisho

Image
Wadahadaladan ayaa lagu waddaa in lagu lafa-guro qodob dhowr ah oo muhiim u ah doorashooyinka. [Photo: OPM Somali]

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa la filayaa in shir kale oo khuseeya arrimaha doorashooyinka ku yeelanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida uu fahansan yahay bogga Garowe Online.

Kulankan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ajandahiisa ayaa, sida ay qeexayaan xoguhu, waxay ku heshiiyeen madaxda kulan fogaan arag ah ay todobaadkan gaar ahaan habeenimadii Talaadadii ay yeesheen.

GO ayaa ogaadey in madaxdu ay isku raaceen in ay wadahadalada isugu yimaadaan "marka mid kamid ah oo kamid ah maamulada uu qeyb ahaan ama guud ahaan soo xulo xubnaha Aqalka Sare xeerdejinta 11aad".

Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo min 8 wakiil ku leh Senate-ka ayaa illaa haatan soo xulay wadar ahaan 9 sharci-dejiye, halka maamulada kale la filayo in maalmaha soo aadan ay bilaabaan kuna jira qaban-qaabo badan.

"Kadib kulanka dhexdooda ee Muqdisho ka qabsoomi doona, hogaanka Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu shir la yeelan doonan wakiilada Beesha Caalamka oo laga la'yahay dalabka maalgelinta doorashada," ayuu yiri mid kamid ah dadka sida dhow ula socda shirka kaasoo sababo ku aadan in aan loo ogoleyn la hadalka saxaafadda uga gaabsadey in la adeegsado magaciisa oo dhameystiran.

Dhimida tirada ergada iyo hal degaan doorasho

Macluumaadyada kale ee helayo kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah in laga yaabo in madaxdu isla soo qaado qodob ku saabsan in la yareeyo tirade ergada soo dooraneysa mudaneyaasha Aqalka Hosoe ee baarlamaanka federaalka.

Illo wareedyadda ayaa intaas ku daraya in suurtagal ah tahay in madaxda isla falanqeyso in hal degaan doorasho lagu soo koobo goobaha codeynta. Labadan qodob waxay kamid ahaayeen ajandaha shirarkii ka qabsoomay Muqdisho.

"Ka hadlida qodobkan aa duma xoogana. Balse, waxaa jira dalab ka imaanaya hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo ah in hoos loo dhigo tirade ergada iyo in hal degaan doorasho lagu soo kobo ayaga oo ka cabanaya dhibaatooyin ka haysta magaalada labaad ee loo qorsheeyay in lagu soo xulo XIldhibaanada," ayuu raaciyey.

Heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxda Soomaalida 27-dii May, 2021 ayaa xeerinayey in eragada soo xuleysa mudaneyaasha ay noqoto 101 iyo in maamul kasta laba magaalo lagus oo xulo sharci-dejiyeyaasha xeer-dejinta 11aad.

Sikastaba ha ahaatee, haddii isbedelkan uu yimaado waxay ka dhignaan doontaa in mar kale lagu laabanayo doorashadii qabsoontey 2016-kii, waxaana labadaan qodob ay yihiin farqiga kaliya ee coddeyntan kaga duwanaan lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM