Madaxda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wakiiladda Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya, oo mudo 21 sano soo socday, iyadoo caqabado badan ay jiraan, oo dhanka khilaafka siyaasadda ugu horeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM