Madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir oo "is-casilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay in uu shaqada ka tegay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa sababta ku sheegay khilaaf soo kala dhex-galay ururka.

NISA ayaa sheegtay in maleeyshiyaadka xiriirka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ay laba garab noqotay.

"Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay," ayaa lagu yiri bayaanka oo aad u koobnaa.

Amniyaatka waa mid kamid ah waaxyaha ugu muhiimsan ururka, waxaana shaqadda ay qabato ay tahay mukhaabaraadka iyo xuuraanka.

Bishaan Febraayo 3-deeda ayay ahayd markii NISA ay baahisay in ay isku dhaceen hogaanka sar-sarre ee xoogagaas hubeysan.

"Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho," ayay xiligaas NISA ku baahisay isla barteeda Twitter-ka.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo cambaareeyay qoraalka NISA ayaa ku tilmaamay "wax aan macno lahayn maadaama ku fashilantay in ay ka hortagto weerarada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM