Madaxii canshuuraha Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay qabteen madaxii canshuuraha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib howlgal ay ka sameeyeen degaanka Janaale.

Maxamuud Yuusuf Mansuur ayaa waxaa lagu waramayaa in lala soo xiray dhowr dagaalameyaal oo ilaaladiisa ahaa.

Illo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyey in Mansuur iyo xubnaha kale ay ku socoto baaritaan isla markaana ay suurtagal tahay in loosoo dhoofiyo Muqdisho, si baaritaanka loo dhameystiro.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaan oo kaso baxdey dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

16-kii bishaan Maaj, 2020, ciidamada xoogga ayaa la wareegay degaanka Janaale iyagoo garab ka helaya howlgalka AMISOM.

Janaale, oo caan ku ah beeraha isla markaana leh Buundo muhiim ah, ayaa la rumeysan yahay in ay fariisin u ahayd howlgalada maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisada Al-Qaacida.

Howlgalka qabashada Janaale oo loogu magac-daray Badbaado 1 waxaa kasii horeeyay duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Mareykanka ay ku laayeen in ka badan tobban kamid ah xubnaha Shababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM