Madaxii dhismaha Garoonka Baraawe oo Qarax lagu dilay

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Waxaa shalay oo Sabti ahayd lagu diley duleedka degmada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose, madaxii mashruuca dhisamaha Garoonka diyaaradaha magaalad, Cismaan Sheekh Cali Buraalle.

Cismaan oo sidoo kale soo noqday Gudoomiyaha degmada Qoryoolay, ayaa lagu dilay Qarax miino oo Gaari uu la socday lagula meel ka baxsan magaalada, halkaasi oo uu ku geeriyoodey, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha Baraawe, Aadan Madoobe.

Buraalle ayaa ahaa Wakiilka maamulka Koonfur Galbeed u qaabilsan dhanka dhismaha Garoonka diyaaradaha, waxaana xilliga qaraxa uu haleelayay gaarisgiisa kusii jeeday Baraawe, oo mar ahayd xarunta ugu weyn Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay mas'uuliyada falkaan, balse, Gudoomiye Aadan Madoobe, ayaa wuxuu ku eedeeyay Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin "cadow kasoo horjeeda cid walba oo Shacabka Soomaaliyeed wax u adeegaya."

Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka loogu geysto weeraro, kuwaasoo khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac geysta.

Bishii May ee sanadkaan ayey ahayd markii weerar Qarax ku bilowday lagu khasaarijiyay Wasiiru dowladihii Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed, iyo Xilldhibaan ka tirsan maamulka HirShabelle, kaasoo ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee isla gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM