Madaxii Maaliyadda ee AS oo lagu dilay Gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka ayaa saakay qaarijiyay Sargaal ka tirsan ururka AS, kadib howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu horkacayay taliyaha qeybta 46-aad ee ciidanka xoogga dalkaX/Le Xasan Aadan Maxamed ( Xasan Taar) ayaa lagu dilay Madaxii Maaliyada Ee Gobalka Baay iyo horjoogiyaal sar sare ee katirsan kooxda .

Dowladda ayaana wali shaacin xubnaha kale ee lagu dilay weerarkaas oo ay ciidamada doonayeen in ay ku weeciyaan awoodda ay kooxda ‘AS’ ku leeyihiin deeganada konfureed.

Ciidamada xoogga dalka waxa ay howlgalddan si gaar ah ula beegsadeen deegaannada “Adeegow Garaar” , "Warta Dollar", “Weeley Bagal” iyo “Eey-Duuraay” oo ku yaalla gobolka Baay, ee koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM