Madaxii saadka guutada 6aad ee ciidamada Soomaaliya oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil shalay ka dhacay xaafada Haanta Dheer, degmada Dayniile ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Toogashadda oo raggii fuliyey ay baxsadeen ayaa lagu beegsaday Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi, sidda ay xaqiijyeen goobjoogeyaal.

Marxuumka ayaa lagu waramayaa in uu ahaa Madaxii saadka guutada 6aad ee Ciidamadda Xoogga Soomaaliya.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabaakada Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Saraakiisha ciidamadda oo sheegay in ay ku raadjoogaan dambiileyaasha ayaa rajo ka muujiyey in ay gacanta kusoo dhigaan.

Falalka noocaan ah ayaa aad ugu badan magaal madaxda Soomaaliya, mana muuqato talaabo wax looga qabanayo.

Sidda ay sheegeen Hay'addaha Odorasa Arrimaha Ammaanka Caalamka, nabad-gelyadda caasimadda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay gaartey meeshii ugu xumaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM