Madaxii saadka guutada 6aad ee ciidamada Soomaaliya oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil shalay ka dhacay xaafada Haanta Dheer, degmada Dayniile ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Toogashadda oo raggii fuliyey ay baxsadeen ayaa lagu beegsaday Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi, sidda ay xaqiijyeen goobjoogeyaal.

Marxuumka ayaa lagu waramayaa in uu ahaa Madaxii saadka guutada 6aad ee Ciidamadda Xoogga Soomaaliya.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabaakada Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Saraakiisha ciidamadda oo sheegay in ay ku raadjoogaan dambiileyaasha ayaa rajo ka muujiyey in ay gacanta kusoo dhigaan.

Falalka noocaan ah ayaa aad ugu badan magaal madaxda Soomaaliya, mana muuqato talaabo wax looga qabanayo.

Sidda ay sheegeen Hay'addaha Odorasa Arrimaha Ammaanka Caalamka, nabad-gelyadda caasimadda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay gaartey meeshii ugu xumaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM