Madaxii sirdoonka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose oo la qabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen madaxii sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib howlgal ay ka sameeyeen degaanka Janaale.

Cabdixamiid Maxamed Dirir, taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya, ayaa magaca sarkaalkaas ku tilmaamay Xasan Ganey.

Sidda laga soo xigtey Dirir, waxaa wehliya laba dagaalame kale, kuwaasoo ciidamadda ay haatan ku baraan baaris.

Marka laga soo tago sheegashada milatariga Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay xoogaga hubeysan.

Dhowaan ayay ahayd markii talisku shaaciyey in ay nolosha ku qabteen madaxii Amniyaatka AlShabaab ee isla gobolkaas iyo ilaaladiisa.

Janaale oo muhiim u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta dowladda kusoo laabatay horaantii bishaan markii ay ka baxeen Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in shan duqeyn oo tuuladaas uu ka fuliyey uu ku khaarijiyey 15 kamid ahaa maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixsadda ah ee Al-Qaacida.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa daaha ka rogay in ay qeyb ka ahaayeen furashada Janaale, oo macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay kaliya gobolka ka maamulaan haatan degmooyinka Sanbaale iyo Kuntuwaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM