Madaxii sirdoonka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose oo la qabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen madaxii sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib howlgal ay ka sameeyeen degaanka Janaale.

Cabdixamiid Maxamed Dirir, taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya, ayaa magaca sarkaalkaas ku tilmaamay Xasan Ganey.

Sidda laga soo xigtey Dirir, waxaa wehliya laba dagaalame kale, kuwaasoo ciidamadda ay haatan ku baraan baaris.

Marka laga soo tago sheegashada milatariga Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay xoogaga hubeysan.

Dhowaan ayay ahayd markii talisku shaaciyey in ay nolosha ku qabteen madaxii Amniyaatka AlShabaab ee isla gobolkaas iyo ilaaladiisa.

Janaale oo muhiim u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta dowladda kusoo laabatay horaantii bishaan markii ay ka baxeen Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in shan duqeyn oo tuuladaas uu ka fuliyey uu ku khaarijiyey 15 kamid ahaa maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixsadda ah ee Al-Qaacida.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa daaha ka rogay in ay qeyb ka ahaayeen furashada Janaale, oo macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay kaliya gobolka ka maamulaan haatan degmooyinka Sanbaale iyo Kuntuwaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM