Madaxtooyada Turkiga oo gudbisay mooshin saameynaya Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Madaxtooyadda Turkiga ayaa shalay baarlamaanka dalkaas u gudbisay mooshin qeyb ahaan saameynaya biyaha Soomaaliya.

Mooshinkaas ayaa ku saabsan in muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda ka jooga Gacanka Cadan, biyaha Soomaaliya iyo Badda Carab.

Xeer-dejinta ayaa ka doodi doonta soo jeedintaas maanta oo Arbaco ah, waxaana qorshuhu yahay in kadib ay cod u qaadaan.

Sidda ku xusan mooshinka, muddo kordhinta ayaa waxaa la doonayaa in ay bilaabato 10-ka bishaan Janaayo, sanadka 2020-ka.

Muddo kordhinta ayaa ah hal sano, taasoo la macno ah in ay dhameyn doonto 10-ka Febraayo sanadka soo aadan ee 2021-ka.

Sanadkii 2008-dii ayay ahayd markii ugu horeysay oo mooshin noocaan ah loo gudbiyey baarlamaanka Turkiga. Tani macnaheedu waxay tahay in 12-jeer la kordhiyey tan iyo xiligaas.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamada dalal kala duwan, kuwaasoo ogolaanshiyo ka haysta Qaramada Midoobay, isla markaana waajibaadkooda la dagaalanka burcad-badeeda.

Turkiga ayaa quudareynaya in muddo kordhintaan cusub uu kaga faa'iideysto in uu biyaha Soomaaliya kusoo daabulo maraakiib iyo diyaarado dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM