Madaxtooyadda oo ka hadashay kulanka safiirka Soomaaliya iyo Trump

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhi doona dalka Mareykanka, Cali Shariif, ayaa waxa uu la kulmay madaxweyne Donald Trump.

Trump oo ugu horeyn safiirka ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ayaa waxay kadib yeesheen wada hadalo gaar ah.

Kulankooda ayaa waxaa lagu waramayaa in ay isla soo qaadeen adkeynta iyo iskaashiga danaha ay wadaan labadda waddan.

Cali Shariif oo bedelaya Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda haatan ee Soomaaliya, ayaa horey uga soo shaqeeyay France iyo Ethiopia.

Diblumaasigan ayaa sidoo kale waxa uu Soomaaliya wakiil uga soo ahaa ururka Midowga Afrika iyo Guddiga Dhaqaalaha UN-ka ee Afrika.

Dhinaca kale, Villa Soomaaliya oo ka hadashay kulanka Trump iyo Shariif ayaa shaacisay in ay rajeyneyso in uu adkeeyo cilaaqaadka labadda dal.

"Isaga [safiirka] wuu sii wadanayaa shaqooyinkiisa Washington si uu u sii karaar siiyo xiriirka Soomaaliya-Mareykanka kadib aqbalaada aqoonsigiisa ee mudane realDonaldTrump," ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

Cabdinuur Maxamed oo qoraalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka isaga oo adeegsanaya luqada English-ka ayaa waxaa ka fal-celiyey dadyow kala duwan oo aragti kala geidsan dhiibanaya.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka argagixisadda, dhaqalaaha, kabida Miisaaniyadda, tababarida ciidamadda iyo barnaamijyadda horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM