Madaxtooyadda Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah u dirtay Eritrea

Image
Fariintan ayaa lagu daabacay barta X (Twitter) ee Villa Soomaaliya xilli Asmara uu gilgilay dabaaldeg.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay waddanka Eritrea oo u dabaaldageysa maalintii ay xorriyada heshay.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in madaxwayne Laftagareen uu farxada la qeybsanayo dadka iyo dowladda Eritrea.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo shacabka Ereteriya, munaasabadda sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen," ayaa lagu yiri bayaanka.

Fariinta ayaa intaas la raaciyay: "Dadka Soomaaliyeed waxay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan xuska safarkii adkaa ee Ereteriya u soo galay madaxbanaanida, iyadoo la sii aqoonsanayo taariikhda wadaagga ah iyo xidhiidhka waara ee ka dhexeeya labadeena dal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM