Madaxwayne Xaaf oo u hanjabay madaxda DF Soomaaliya [Daawo]

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya inay maamulkiisa ku hayso "faragelin qaawan" isagoo ka dalbaday Villa Somalia in laga joojiyo.

Xaaf ayaa intaas ku daray in Xukuumada Muqdisho ay iska indha tireyso hogaanka maamulkiisa, isagoo tusaale usoo qaatay wafdi ay dowladda u dirtay colaad beeleed ka aloolsan tuulada Kaxandhaale ee Galgaduud.

"Daaqadaha laga soo galayo hala joojiyo..Uma quurto dowlada in agoonta dagaalada ku waayey waalidkooda ay siiso 20-ka milyan oo ay kusoo kireysay diyaaradaha,” ayuu yiri Xaaf oo wariyeyaasha la hadlayay.

Galmudug oo haatan u kala qaybsan labo garab oo ku kala shaqeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa leh Madaxwayne, inkastoo midkoodna uusan aqoonsaneyn kan kale, mana muuqato saan-saan isku soo dhawaanshiyo.

"Dowladdu waxay naga haysaa faragelin qaawan, hadii nalaga joojin waayo, waxaan u la dagaalami doonaa sida Al-Shabaab, waanu isku tasheynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxwayne Xaaf.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta ay dowladda u soo direyso degaanada maamulkiisa, oo uu aaminsan yahay in lasoo qasbay ayuu ku tartarsiiyay inay ka biyo diidaan burburin uu sheegay in Galmudug lagu hayo.

"Waxaan ka cabsi qabnaa in sida Mukhtaar Roobow qoorta nalaga soo qabto, balse, halkaan ma ahan meesha ay ka sameyn karaan,” ayuu Xaaf, hadalkiisa daba dhigay.

Dowladda hadda jirta ee hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu dhaliilay inay isku dayayso sidii ay meesha uga saari lahayd hogaamiyayaasha maamulada ee aragti ahaan kasoo horjeeda, taasoo dalka gelisay khal-khal siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM