Madaxwayne Xasan Sheekh oo qaylo-dhaan u diray ganacsatadda

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu dhiiragelinayay Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad dhiirigalin ah u sameeyay Halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika.

Madaxweynaha ayaa ciyaaryahankan waxa uu ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay. 

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo," ayuu tibaaxay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM