Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyey danjire Larry André Jr

Image
Larry André ayaa dhameysatey muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Larry doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Larry André oo Xasan Sheekh uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM