Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Qadar [Sababta]

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa waxaa booqasho rasmiya uu ku tagayaa dalka Qadar 24 saac ee socda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah middii labaad ee uu ku tago dalkaas tan iyo intii la doortey ayaa sida wararka lagu helayo diirada saaraya sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Doha.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya oo laga yaabo inuu dhaco maanta ilaa berri ayaa sida wararka ku heleyno waxaa kaga sii horeeya dalkaas Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin kaasoo xiriir dhow la leh Doha.

Fahad Yaasiin oo habeenkii xalay Taransit ku ahaa dalka Kenya Magalada Nairobi ayaa Doha ka bilaabi doona qaban qaabada loogu jiro soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo.

Wararka aan ka heleyno safarka Madaxweyne Farmajo uu ku tagayo dalkaas ayaa sheegaya in ay jiraan balnqaadyo lacageed ay dowlada Qadar ugu deeqeyso Villa Soomaaliya.

Dad xogogaal  ah ayaa u sheegey GO in Doha  u balanqaadey Muqdisho in ay buuxin doonto kaalintii dowlada Imaaaradka baneysay.

Dhinaca kale Doha ayaa balanqaadey iney bixin doonto lacago loogu talagaley in lagula dagaalamo siyasiyiinta iyo maamulada kasoo horjeeda inuu xumaado xiriirka u dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Booqashada Farmaajo ee Doha ayaa ku soo beegmeysa xilli uu heerkii ugu hooseeyay marayo xiriirka u dhexeeya dowlada Somaaliya iyo Imaaraadka kaasoo sababey in Abu Dhabi kala noqoto Muqdisho tageero dhaqaale ay siin jirtey.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo horey u sheegetey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka ayaa sida la rumeysan yahay siyaasadooda waxay u janjeertaa dalka Qadar.

Maamulada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Jubaland iyo Somaliland ayaa xiriir dhow la leh dowlada Imaaraadka Carabta taasoo sababtey in Madaxtooyada Muqdisho diidmo ka muujiso.

Maamul goboleedyada ayaan ku qanacsaneyn qaabka dowlada Federaalka u maamusho mashaariicda lagu soo helo magaca Soomaaliya kuwasoo aan soo dhaafin magalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM