Madaxweynaha FIFA oo boggaadiyay Tartanka Dowlad-Goboleedyada ee ka socda Muqdisho

Image
Tartanka sanadkan oo marxaldo badan soo maray ayaa lagu soo gabagabeyn doona 29ka bishan.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa bartiisa Instagram-ka ku baahiyay qoraal oo uu ku boggaadinaayo horumarka dhanka ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada ee ka socda Soomaaliya.

Madadweynaha FIFA ayaa soo qaatay labadaan sawirro laga qaaday ciyaartooyda iyo taageerayaasha ciyaartii Galmudug iyo Banaadir oo Galmudug ay ugu soo gudubtay kama dambeysta tartanka.

Kulmada qaar ee ka mid ah Tartanka Dowlad-Goboleedyada ee haatan lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo qeyb galay ilaa 60 Kun oo daawade.

Tartanka sanadkan oo marxaldo badan soo maray ayaa lagu soo gabagabeyn doona kulanka kama dambeysta ee loo madlan yahay 29ka bishan.

Kulankan oo u dhaxeeya maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo lagu qaban doono Tuulada Cyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa la filaya inay ka soo qeyb galaan tobaneeyo Kun oo daawadayaal ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM