Madaxweynaha FIFA oo boggaadiyay Tartanka Dowlad-Goboleedyada ee ka socda Muqdisho

Image
Tartanka sanadkan oo marxaldo badan soo maray ayaa lagu soo gabagabeyn doona 29ka bishan.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa bartiisa Instagram-ka ku baahiyay qoraal oo uu ku boggaadinaayo horumarka dhanka ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada ee ka socda Soomaaliya.

Madadweynaha FIFA ayaa soo qaatay labadaan sawirro laga qaaday ciyaartooyda iyo taageerayaasha ciyaartii Galmudug iyo Banaadir oo Galmudug ay ugu soo gudubtay kama dambeysta tartanka.

Kulmada qaar ee ka mid ah Tartanka Dowlad-Goboleedyada ee haatan lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo qeyb galay ilaa 60 Kun oo daawade.

Tartanka sanadkan oo marxaldo badan soo maray ayaa lagu soo gabagabeyn doona kulanka kama dambeysta ee loo madlan yahay 29ka bishan.

Kulankan oo u dhaxeeya maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo lagu qaban doono Tuulada Cyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa la filaya inay ka soo qeyb galaan tobaneeyo Kun oo daawadayaal ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM