HIIRAAN: Madaxweynaha HirShabeelle oo gaarey Jalalaqsi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JALALAQSI, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaarey degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan, oo maalmahan booqasho uu ku marayo, xilli wali aan loo caleema-saarin Madaxtinimada maamulkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Jalalaqsi, halkaasi oo uu ku tagey Diyaarad nooca Helicopter-ka ah, oo ay leedahay QM, iyadoo amaankana ay si aad ah u adkeeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Somaaliya.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulan kula qaateyy xarunta maamulka, Saraakiil sare oo katirsan Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Feeraalka, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda maamulka degmada, kuwaasi oo uu kala hadlay amniga iyo arrimo kale.

Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii la isagu furi lahaa degmooyinka gobolka Hiiraan, kuwaasi oo go'doomin ku hayso Al shabaab mudo ku dhaw afar sano.

Waare ayaa booqanaya degmooyin ku yaalla gobolka, isagoo u kuurgalaya Xaaladda amni iyo nolosha dadka shacabka, oo haysta dhibaatooyin kala duwan, oo abaartii dhawayd reebtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM