Madaxweynaha JFS oo ku qarinaya dagaalka lagula jiro argagixisada codadka siyaasiyiinta diiday "dastuurka cusub"

Image
Madaxweynaha oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay jiidaha hore ee dagaalka AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maant gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa degmada Ceeldheer uga sii horeeyey wafdiga, iyaga oo madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga ciidamada, maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan AS.

Dadka aqoonta durugsan u leh siyaasadda ayaa socdaalkan u aaneynaya isku day lagu doonayo in lagu daboolo diidmada baaxadda leh ee hanaanka loo maray meelmarinta 4ta Cutub ee dastuurka, iyadoo looga hortagayo fikradda ah “la dagaallanka argagixisada.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM