Madaxweynaha JFS oo kulan lagu dardargelinayo dagaalka AS la qaatay saraakiisha ciidamada

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada “xoreynta dalka” la yeeshay Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa intii lagu guda jiray kulanka xusay in si adag la isugula xisaabtamayo Saraakiisha mas’uulka ka ah fashalka amni ee ka caainaya AS in ay dib ugu soo laabtaan deegaanada ay dowladdu la wareegtay.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban Khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM