Xasan Sheekh oo saxiixay "burinta heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland"

Image
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee JFS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga burinta heshiis beenaadkii dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaas oo ay ansixiyeen xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca waxa uu ku tilmaamay “dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka”.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaya shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee JFS, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM