Xasan Sheekh oo saxiixay "burinta heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland"

Image
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee JFS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga burinta heshiis beenaadkii dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaas oo ay ansixiyeen xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca waxa uu ku tilmaamay “dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka”.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaya shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee JFS, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM