Madaxweynaha Jubaland oo ku sugan Addis Ababa [Sabab]

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha maamulka Jubaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay ku sugan yihiin magalada Addis Ababa halkaas oo ay kulamo kula qaadanayaan madaxda dalkaas, sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan maamulkaas.

Safarka madaxda maamulka Jubaland waxaa ku weheliya siyasiyiin iyo waxgarad kale oo ka yimid dalka Kenya iyo gobolada DDS Itoobiya kuwaas oo dadaal ugu jira sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadii kacsan oo ka dhalatey weerarkii dowlada Federaalka ku qaadey maamulka fadhigiisu yahay Jigjiga.

Wafdigaan ayaa sida wararka lagu helayo Kulamo la qaateen RW Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada dalkaas iyagoo wada-hadal kala leh sidii loo dajin lahaa ciidamo daacad u ah Madaxweynihii maamulkaas Cabdi Ileey kuwaas oo ay is horfadhiyaan Militariga wadankaas.

Dhinaca kale kulamdaan ayaa dirada saaraya mustaqbalka Madaxweynihii maamulkaas kasoo ku jira gacanta dowlada Federaalka ah ee Itoobiya.

Cabdi Ileey oo xilka wareejiyey ayaa waxaa si uusan raali ka aheyd ciidamada Militariga khasab uga kexeeyeen halka uu ka dagan yahay magalada Jigjiga waxayna u gudbiyeen Addis Ababa talaabadaas oo ka careysiisey tageerayaashiisa.

RW Itoobiya Abiy Axmad oo balan qaadey markii xilka uu la wareeegey fur-furaansho siyaasadeed ayaa qaatey  go’aamo Khatar galin kara isbadaladii uu damacsanaa inuu ku sameeyo arimaha dhaqaalaha iyo xoriyada fikirka dadka ku nool wadanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Waxaa weli aan xal laga gaarin dagaalada u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada kuwaas oo Dad badan ku dhinteen kuwo kalena ku barakaceen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM