Madaxweynaha Jubaland oo ku sugan Addis Ababa [Sabab]

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha maamulka Jubaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay ku sugan yihiin magalada Addis Ababa halkaas oo ay kulamo kula qaadanayaan madaxda dalkaas, sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan maamulkaas.

Safarka madaxda maamulka Jubaland waxaa ku weheliya siyasiyiin iyo waxgarad kale oo ka yimid dalka Kenya iyo gobolada DDS Itoobiya kuwaas oo dadaal ugu jira sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadii kacsan oo ka dhalatey weerarkii dowlada Federaalka ku qaadey maamulka fadhigiisu yahay Jigjiga.

Wafdigaan ayaa sida wararka lagu helayo Kulamo la qaateen RW Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada dalkaas iyagoo wada-hadal kala leh sidii loo dajin lahaa ciidamo daacad u ah Madaxweynihii maamulkaas Cabdi Ileey kuwaas oo ay is horfadhiyaan Militariga wadankaas.

Dhinaca kale kulamdaan ayaa dirada saaraya mustaqbalka Madaxweynihii maamulkaas kasoo ku jira gacanta dowlada Federaalka ah ee Itoobiya.

Cabdi Ileey oo xilka wareejiyey ayaa waxaa si uusan raali ka aheyd ciidamada Militariga khasab uga kexeeyeen halka uu ka dagan yahay magalada Jigjiga waxayna u gudbiyeen Addis Ababa talaabadaas oo ka careysiisey tageerayaashiisa.

RW Itoobiya Abiy Axmad oo balan qaadey markii xilka uu la wareeegey fur-furaansho siyaasadeed ayaa qaatey  go’aamo Khatar galin kara isbadaladii uu damacsanaa inuu ku sameeyo arimaha dhaqaalaha iyo xoriyada fikirka dadka ku nool wadanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Waxaa weli aan xal laga gaarin dagaalada u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada kuwaas oo Dad badan ku dhinteen kuwo kalena ku barakaceen.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM