Deni iyo Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta madaxdan siyaabo kala duwan uga soo degtay madaarka Aadan Cadde.

Deni iyo Axmed Madoobe awaxay ka qeybgeli doonan wadahadalo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 kuwaasoo ay la yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Amniga caasimada ayaa sarre loo qaadey, iyaddoo la xiray qaar kamid ah waddooyinka soo gala magaala madaxda kuwaasoo la dhigay ciidamo u diidaya gaadiidka dadweynaha u diidaya in ay adeegsadaan.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay  Garowe Online in xiritaanka jidadka aysan codsan madaxda Jubaland iyo Puntland isla markaana uu yahay go'aan iskooda ay qaateen taliyeyaasha ciidanka.

Xogta ayaa muujineysa in qorshaha xiritaanka jidadka Muqdisho uu yahay mid ay madaxda dowlada federaalka dooneyso in ay sawir xun ugu yeesho madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Shaqsiyaadka baraha bulshada caanka ah ee kamid ah kooxda ay laaluushka siiso Villa Soomaaliya ayaa faafinaya warar been abuur ah oo lagu jahwareerinayo dadweynaha ku aadan xiritaanka waddooyinka.

Deni ayaa booqashadiisa Muqdisho waxay u noqoneysaa socdaalkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland. Madaxda dowlada federaalka ayaa ka cagajiidey safaro uu horey ugu tagi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM