​Madaxweynaha Jubbaland oo xiray Kalfadhiga Barlamanka maamulkaas

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somalia, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray kala fadhigii labaad ee Baarlamaanka maamulkaasi. 

Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiilada u jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlayay arrimo kala duwan oo kusaabsan xaaladda Jubbaland iyo guud ahaan tan Somalia.

Arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Hannanka Dowliga ah  iyo xoraynta deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ayuu si weyn diiradda ugu saaray khudbada uu Maanta ka jeediyay Xarunta Golaha Baarlamaanka. 

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in ammaanka deeganada xorta ah ee Jubbaland uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taas oo ay suurta galiyeen Hay'adaha kala duwan ee Nabadgalyada oo uu xusay in la'aantood wax badan maamulkaasi u qabsoomeen. 

"Kismaayo oo ah halka aan maanta joogno ammaan buuxa oo aad wada ogtihiin sida uu ku yimid ayaa maanta ka jira oo ay sahleen Allah ka sakow Ciidamada oo kaashanaya dadweynaha," Ayuu yiri Madaxweyne Madoobe. 

Mar uu ka hadlayay Dhibaatada Kooxaha Al Shabaab ay ku hayaan Bulshada xoolo dhaqatada ah ayuu xusay inay Dowladu garab taagan tahay dadkaas oo ay ilaa hada hubaysay qaar badan oo kamid ah dadka deeganka kuwaas oo xoolahii ay ka dheceen Al-Shabaab dib uga soo furtay Ciidamadkuna hada la howlgalayaan. 

Deeganada wali ay ku harsan yihiin Kooxaha Argagixisada ah ayuu xusay in la xorayn doono oo ay sugayaan oo kaliyah in si wada jir ah hawlgalka loo bilaabo. 

Arimaha Dhaqaalaha ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sheegay in ay wax badan oo culays ah uu ka jiro deeganada dalka oo aan isku furayn taasna ay meesha ka baxayso marka hawlgalku bilawdo. 

"Dhaqaalaha Dowladu wax badan ayay ka qabatay oo ay ugu horayso hawsha ay hayso Wasaarada Maaliyadu lakiin waxaa culays uu ka jiraa deeganada oo isku socodkooda dhinaca dhulka ah uu adag yahay," Ayuu yiri hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland. 

Siyaasada Soomaaliya ayuu xusay in uu rajaynayo in ay wax badan iska badalaan bilawga sanadkan isagoo Xildhibaanada Federaalka ku booriyay inay doortaan qof dalka halka ay joogto kasii wadi kara oo Hogaamin wanaagsan leh. 

Gaba gabadii Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu uga mahad celiyay sida ay ugu dhabar adaygeen duruufaha waddanka ka jira isagoo ammaanay hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen Kalafadhigii labaad oo Madaxweynahu uu si Rasmi ah usoo xiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM