Madaxweynaha KG oo xil sare u magacaaabay mas'uul caan ah

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda maamulka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ayaa loogu magacaabay Saciid Xasan Zubeyr, inuu noqdo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka ay colaadaha iyo amni darrada la degeen.

Digreetadda oo  soo baxday 4-ta bisha August ee sanadka 2018, ayaa lagu cadeeyay in Madaxweyne Shariif Xasan uu xilkaan magacaabay kadib markii uu arkay sida la yiri baahida loo qabo in shacabka gobolka ay helaan gudoomiye maxkamadeed.

Waxaa la tilmaamay in Maxkamadda gobolka Shabeellaha Hoose ay wax badan ka qaban doonto colaaddo ku saleysan Qabiilka iyo is-qabqabsiga dhanka dhulka oo gobolka si wayn u aafeeyay.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah saddex gobol oo hoos-yimaada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ma jiro midkood oo gacanta si buuxda ugu jira maamulka Shariif Xasan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood aan laga indha saabsan karin ku leh gobolka, kuwaasoo weeraro khasaaro kala duwan sababa ka fuliya Saldhigyada Askarta dowladda ku leeyihiin gobolka.

Magaabista gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa su'aasha ugu horeysa ee hortaala waxay tahay meesha uu ku shaqayn doono, maadaama hadda aysan jirin xarun ay leedahay oo maxkamada ku taala.

Dadka degan gobolka ayaa cadaaladda u raadsata Al-Shabaab oo xukmisa dad ay kusoo eedayaan fal-dambiyeedyadda kala duwan, xili talaabada Shariif Xasan loo arko mid uu taasi uga hor-tagayo.

HALKAN HOOSE KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM