Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka degay caasimadda Galmudug

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/Casiis Lafta-Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaarey magaaladda Dhuusamareeb, waxaana kaga sii horeeyay halkaasi dhigiisa HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay tagey.

Madaxweyniyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay iyaguna saacadaha soo aadan ka degaan Dhuusamareeb, oo ay ka socoto qaban-qaabada shirka Madaxda Maamullada, oo la qorsheeyay in maanta oo Khamiis ah furmo.

Lafta-Gareen lama socon wax Ciidan ah wafdigiisa, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweyne Qoor-Qoor.

Ciidamo ilaalo u ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Dhuusamareeb horey loo geeyay, kuwaasoo ilaalin doono amniga madaxda inta uu socda Shirka la filayo in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ay kamid yahay doorashadda muranka ka taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ku guuldareystay inuu 5tii bishan martigeliyo kulan uu ku casuumay madaxda maamullada, kadib markii Gollaha Shacabka ay sameeyeen ansixinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka, kaasoo ay dalbadeen maamullada in la hakiyo inta la heshiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM