Madaxweynaha oo Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha Ciidanka

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ka dhacay Xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb, kala hadlay Saraakiisha Guutada Gorgorka dagaalka ay kula jiraan ‘AS’.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leedahay dagaalkan, isaga oo la barbar dhigay halgankii taariikhiga ahaa ee loo soo maray xornimada Soomaaliyeed ee lagula dagaalamayey gumeystaha shisheeye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay ciidamdaan in ay xaqa u dirirayaan,, oo ay dagaalkan u qaadeen mabaadii’da Islaamka, isaga oo saraakiisha ugu duceeyo inuu ilaahay ka aqbalo.

Wuxuu ku ammaanay saraakiisha sida ay ugu heelan yihiin in ay sharaf iyo karaamo u helaan qarankooda, iyadoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si adag u garab taagan yihiin qadiyaddooda.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waddaniyadda, cududooda, iyo geesinimada saraakiisha ay ka muujiyeen dagaallada socda.

Waxa uu ku booriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si ay si hufan ula dagaalamaan khatarta ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM