Madaxweynaha oo Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha Ciidanka

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ka dhacay Xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb, kala hadlay Saraakiisha Guutada Gorgorka dagaalka ay kula jiraan ‘AS’.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leedahay dagaalkan, isaga oo la barbar dhigay halgankii taariikhiga ahaa ee loo soo maray xornimada Soomaaliyeed ee lagula dagaalamayey gumeystaha shisheeye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay ciidamdaan in ay xaqa u dirirayaan,, oo ay dagaalkan u qaadeen mabaadii’da Islaamka, isaga oo saraakiisha ugu duceeyo inuu ilaahay ka aqbalo.

Wuxuu ku ammaanay saraakiisha sida ay ugu heelan yihiin in ay sharaf iyo karaamo u helaan qarankooda, iyadoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si adag u garab taagan yihiin qadiyaddooda.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waddaniyadda, cududooda, iyo geesinimada saraakiisha ay ka muujiyeen dagaallada socda.

Waxa uu ku booriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si ay si hufan ula dagaalamaan khatarta ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM