Madaxweynaha oo gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlay dhibaatada ka dhalatay roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan dalka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka qeyb qaatay mas'uuliin ka tirsan gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday kula dar daarmay xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, waxaana uu uga digay dadka in ay ka fogaadaan meelaha halista ah sida marin biyoodyada.

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Golaha uga warbixiyay saameynta roobabka ka da’ay Gobolka Benaadir iyo dadaallada ay sameeyeen Maamulka Gobolka.

Dalka waxaa ka jira fatahaado baahsan oo saameeyay dad badan oo ku noolaa gobollada koonfureed, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Gedo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM