Madaxweynaha oo Jabuuti kula kulmi doono Xoghayaha Difaaca Maraykanka

Image

JABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doono Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Lloyd Austin, oo ku sugan dalka Jabuuti. 

Jeneral Austin ayaa goor hore oo maanta ah gaaray dalka Jabuuti, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo madaxda dalkaas iyo saraakiisha difaaca.

Labada dhinac ayaa ka hadli doona xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee ku aaddan yoolka ay wadaagaan ee ah horumarinta xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya ay sii wadato dagaalka ay kula jirto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM