Madaxweynaha oo magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Siyaasiyiinta KG

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii looga wada tashan lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo sidii loo heli lahaa talooyin ku aadan dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay midnimada, isu-tanaasulka, iyo wadatashiga si looga gudbo khilaafaadka iyo sidii loo gaaray lahaa Soomaaliya oo ka xor ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto sidii Al-Shabaab dalka looga ciribtiri lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM