Madaxweynaha oo si diiran ku soo dhaweeyay ciidamada dib uga soo laabtay Ereteriya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka ururka ‘AS’, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib u soo laabtay ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadka 2023 bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna loogu soo celiyey dalka, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Dhankooda, Cutubyadan uu la kulmay Madaxweynuhu waxa ay muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM