Madaxweynaha Somalia oo baaq u diray Shacabka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaaday Guddiga Abaaraha qaranka Somalia, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda waddanku ku jiro iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimayaal ka socda wasaaraha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed ay ku qabteen Villa Somalia iclaamiyay in la badiyo alla bariga iyo weydiisiga dambi dhaaf.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaas ka iclaamiyay isu soo bax ALLA bari ah inuu dhaco todobaadkan dhexdiisa si EEBBE loo waydiisto naxariistii maadaama kaalmada insaanka waxba qaban karin.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay Alle bari iyo roob doon isugu soo baxaan maalinta Talaadada ah, 14ka Maarso, 2017, keddibna ay is cafiyaan, oo ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.”

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ku baaba’aya abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ololaha Gurmad Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isaga oo ku baraarujiyay ganacsatada iyo qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Wuxuu baaq u diray dowladdaha taageera dalka Somalia, isagoo ka dalbaday gar-gaar lasoo gaaraan dadka dhibaataysan ee abaartu saamaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM