Madaxweynaha Somalia oo booqday Xabsiga dhexe Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqday xarunta Xabsiga dhexe ee Muqdishu isagoo soo indha indheeyay dhammaan xarumaha kala duwan jeelka.

Wuxuu soo maray dhammaan, xarumaha lagu hayo Maxaabiista, goobta tababarka Maxaabiista, xarumaha waxbarasho jeelka iyo kuwo  kale, iyadoo ay soo dhaweyn ugu sameeyeen goobtaasi   Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Madaxweynaha uga waramay duruufaha ay ku shaqeeyaan, wuxuuna tilmaamay in muddo badan lasoo daalaa dhacayeen mushahar iyo daryeel la'aan, balse markasta muhiimadoodu ahayd in dadka Somaliyeed loo adeego.

Baashiir Goobe, ayaa intaas ku daray in marakan ay qabaan rajo iyo ififaalo wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale si qiiro leh uga hadlay taariikhda xarunta uu booqday isagoo sheegay inay tahay goobtii uu kusoo bar-baaray, wuxuuna baaq u jeediyay saraakiisha goobtan jooga oo ka codsaday inay ilgaar ah ku eegaan wiilasha agoonta ah ee ku jira xarunta lagu xannaaneeyo.

"Runtii Wiilkan waxaan ugu yeeray, waxaaa la idin ka rabaa saraakiisha maamusho xaruntan inay il gooni ah ku eegaan Carruurta agoonta ah ee ku jira halkan, waxaana xasuustaa markaan halkan joogi jirnay saraakiishii haystay qaybtood waa dhinteen ALLAHA u naxariistee waxay taaban jireen caloosheena, anaguna waxaana u sheegi jirnay sida aabayaasheen oo kale inaan baahanahay, marka waxaa la idin ka rabaa inaad wiilkan si gooni ah iigu eegtaan,"Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waa booqashadii ugu horaysay uu ku tago xaruntan tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha dowladda Somalia horraantii bishan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM