​Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaaday Madaxda maamul-goboleedyada

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo maalin kadib doorashada Madaxweynaha dalka Somalia, waxaa kulan dhexmaray madaxda maamulka goboleedyada iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kawada hadlay arrimo ku aadan maslaxadda Shacabka iyo waddanka.

Kulan shalay ka dhacay hotel Jazeera oo ay soo xaadireen dhammaan hogaamiyaasha maamullada Somalia marka laga reebo Axmed Madoobe oo ka maqnaa Muqdishu, ayaa diiradda lagusoo saaray sidii loola shaqayn lahaa Madaxweynaha cusub islamarkaana la isaga kaashan lahaa dib u dhiska dalka.

Shirkaas oo saxaafaddu dibadda ka joogtay, waxaa markuu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo xusay inay isku af-garteen qaabkii ay u dhex-mari lahayd wada-shaqayn islamarkaana la isugu xir-naan lahaa.

Cosoble ayaa sidoo kale shacabka Somaliyeed ku dhaliilay inay xiiso badanyihiin marka la doorto hogamiye cusub isagoo tusaale usoo qaatay Cabdullaahi Yusuf, Shariif iyo Xasan.

Xiisahaas ayuu tilmaamay inay ku egtahay maalmaha hore, tan loo sameeyay Farmaajo ay la cayn tahay kuwaas oo kale, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

Hadalkan oo dadka qaybtiis siyaabo kala duwan u fasireen ayaa soo baxay xilli maadaxda maamullada Somalia farogalin toos ah kulahaayeen doorashadii ka dhacday dalka islamarkaana ka shaqaynayeen sidii ay usoo saari lahaayeen murashax gooni ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM