Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Wafdiga Ahlu Sunna

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia oo ay weheliyaan xubno katirsan xukuumadda islamarkaana kamid ah Guddiga wada-xaajoodka Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa xalay kulan la qaaday xubnaha maamulka Dhuusamareeb uga qayb galaya wada-hadalka.

Shirkan oo ka dhacay caasumadda Somalia ee Muqdishu, ayaa looga hadlayay sidii loo dar-dar galin lahaa dadaalada socda islamarkaana u noqon lahaayeen kuwo guulaysta.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha  Dowaldda Federaalka Somalia Cabdi Farax Saciid Juxa oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ka go’antahay sidii looga miro dhalin lahaa dadaalkan, wuxuuna ka codsaday labada dhinac inay eegaan maslaxadda gobollada dhexe iyo tan shacabka.

Madaxweynaha dowladda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, ayaa tilmaamay in xalka gobollada dhexe uu ku jiro qorshaha hadda socda, wuxuuna wafdiga Ahlu Sunna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka deegaanadaas islamarkaana ka feejignaadaan waxyaabaha fashili kara qorshaha ay garwadeenka ka tahay dowladda dhexe.

Kulanka cashada ah ee mas’uuliyiintaas labada dhinac isku arkeen sidoo kale waxaa joogay Xildhibaano katirsan Barlamanka Somalia.

Shirkan ayaa hordhac u ah qorshaha lagu doonayo inay midoobaan maamullada is-khilaafsan ee ka taliya bartamaha Somalia.

Dhawaan labada dhinac ayaa sheegay inay diyaar u yihiin hishiis, waxayna wufuud ay kala hogaaminayaa Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Shakir iyo xukuumadda Cadaado Maxamed Xaashi Carabay ay gaareen magaalada Muqdishu

30 bishan ayaa doorashada Galmudug lagu wadaa inay ka dhacdo Cadaado, waxaana DFS doonaysaa inay ka miro dhaliso wada-hadalkan ka hor waqtigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM