Madaxweynaha Somalia oo Muqdishu kula kulmay Axmed Xaaf

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweyaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf oo Shalay soo gaaray Muqdishu, ayaa kala hadlay Madaxweyne Farmaajo Arrimo ay ka mid yihiin Xiriirka maamulkiisa cusub iyo Dowladda Dhexe, Wadahadallada Ahlu Sunna iyo Shirka London.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug, ayaa ka codsaday dowlada Federaalka inay qeyb ka qaadato dib u heshiisiinta gobollada dhexe, gaar ahaan maamulkiisa iyo Ahlu Sunna, oo dhawaan ku kala tagey shir ka dhacay Muqdishu.

Dowladda dhexe ayaa isku dayaysa inay midayso labada maamul ee iska soo horjeeda, si meesha looga saaro khilaafka iyo colaadda mudada dheer ka taagan gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia.

Ahlu Sunna ayaan ka qeybgalin Doorashadii Todobaakii tagey ka dhacday Cadaado, ee lagu doortey Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo kasoo mid noqday Baarlamaankii 9-aad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey Muqdishu ugula kulmay Madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii ay Ajande midaysan ula tagi lahaayeen Shirka ka furmaya London 11-ka bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM