"Madaxweynaha TikTok" oo ka soo horjeestay amar ay dowladdu soo saartay

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta TikTok, ayaa wareysi uu bixiyay maanta ku sheegay in uu iska diiday go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday TikTok, laga bilaabo 24-kii bishan.

Bilaal waxa uu carabka ku adkeeyay in TikTok ay la mid tahay dhamaan baraha kale ee bulshada ku wada xiriirto, isaga oo sheegay in waxa lagu daabaco TikTok-na loo gudbiyo Facebook, YouTube iyo baraha kale.

Bilaal ayaa sheegay in dowladdu aysan qiimeynin faa’iidada uu bulshada u leeyahay TikTok, balse ay go’aankeeda ka qaadatay hadal suuqeedka laga wareejinayo.

Bilaal ayaa sidoo kale xusay in TikTok laga helo faa’iidooyin badan, maadaama lagu kasbado dhaqaale, dhalinyaradana shaqo ka heleen.

Isagoo ka hadlaya saamaynta togan ee TikTok, Bilaal wuxuu yiri:

“Waxaan ku wareejinay deeq raashin ah gobolada Gedo iyo Galgaduud, si loo caawiyo qoysas badan oo ay saameeyeen abaaraha”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu aysan mamnuuci karin TikTok, waxa kaliya oo ay sameyn karaana ay tahay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka codsadaan in la xiro.

Isagoo ku nuux-nuux saday inuu sii wadi doono adeegsiga Tik Tok xitaa haddii la mamnuuco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM