Madaxweynayaasha Somalia iyo Mauritania oo la isku khalday Shirkii Jordan ka dhacay [Daawo]

Image

AMMAN, Jordan- Madaxweynayaasha Somalia iyo Mouritania ayaa la isku khalday waqti lagu guda jiray soo dhaweynta hogaamiyaasha ka qayb galay shir-madaxeedkii 28-aad ee Jaamacadda Carabta kasoo shalay ka qabsoomay waddanka Jordan.

Wariye ka howla talefishinka Qaranka dalkaas oo xariirinayay barnaamij toos ahaa ayaa Madaxweynaha Somalia ugu yeeray Madaxweynaha dalka Mouritania Mohamed Ould Abdel Aziz.

Labada hogaamiye ayaa aad isugu eg muqaalka hore gaar ahaan Shaarubka iyo Timaha, taasoo keentay in Wariyahaas uu Madaxweynaha Somalia u hafo Madaxweynaha Mouritania xilli Boqor Cabdallah ay isku salaamayeen xarunta shirku ka dhacayay.

“Waxaa hadda shaashadda kasoo muuqday Madaxweynaha Mouritania Mohamed Ould Abdel Aziz, wuxuu marxabaynayaa Boqor Cabdallah, waxay muujinaysaa salaantooda sida wanaagsa iyo kal-gacalka leh ee madaxda Carabtu isu jecelyihiin,”Ayuu yiri Wariyihii barnaamijkaas daadihinayay, balse ma ahayn mas’uulka waqtigaas la soo dhaweynayay Madaxweynaah Mouritania ee waxa uu ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhacadadan ayaa aad loogu falanqeeyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeeda, waxaana siyaasaba la isug khalday labadaas mas’uul lagu sheegay, isu ekaanshaha muuqaalka hore iyo labadooda magac oo ka bilowda Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horaysay ka qayb galay shirkaas, halka Madaxweynaha Mouritania uu ahaa mas’uulkii marti galiyay shirkii kan ka horeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM