Madaxweyne Cosoble oo ka hadlay arrimo kala duwan

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha  maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo arrimo shaqo u jooga magaalada Muqdish, ayaa faah faahin ka bixiyay, magacaabista wasiirradiisa, dagaal kasocda gobolka Shabeellaha dhexe, abaaraha ka jira deegaanadaas iyo waxyaabo kale.

Wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Cadalle isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii ku waxyeelloobay isku dhaca beelaha walaalaha ah.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culuma’udiinka,iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi,” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Qaabka uu u magacaabay Wasiirradiisa oo dhaliil laga keenay ayuu kawaramay, wuxuuna sheegay inuu kusoo xulay wado-tashi, karti iyo aqoon ay u leeyihiin shaqooyinka loo dhiibay.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa,” Ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Abaaraha ka jira deegaanada maamulkaas, ayuu ugu baaqay in loo istaago sidii loo caawin lahaa, wuxuuna ka codsaday qurba joogta iyo dadka wax-haysta ee ku abtirsada deegaanadaas inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli lagu dhaliilayo Madaxweyne Cosoble inuu shaqadiisa ka gaabiyay islamarkaana sameeyay ku tagri fal awoodeed sida ay qabaan Xildhibaanada maamulkaas, waxaana arrintan timid kadib markii uu soo xulay dhawaan golahiisa wasiirrada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM