Madaxweyne Deni oo jeediyay Khudbad kicin ah

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland ee Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka ka hareen, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha uu dhawaan u magacaabay ciidanka Daraawiishta, Aadan Cabdi Xaashi.

Deni oo khudbad ka jeediyay ayaa ayaa markii ugu horaysay soo hadal qaaday dagaalki Garowe ka dhacay 20 June 2023 isaga oo ku faanay in uu ahaa mid dowladnimada lagu difaacayay.

"Wixii Garowe ka dhacay waxay ahayd in dowladnimada la difaaco oo Hay'adaheedu ay shaqeeyaan" ayuu yiri.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in uu la qabo walaaca xaaladda Puntland ay ka qabaan waxgaradka iyo siyiisiyiintu isaga oo sheegay in uu uga walaac badan yahay laakiin ay tahay sida uu hadalka u dhigay in la qabto dad uu ugu yeeray kuwa Dowladnimada diidan.

"Ma jirto wax kala guur la dhaho dowladaha maba dhacaan oo Itoobiya ayaa kamid ah". Tan ayaa noqotay mid muujinaysa hab fikirka madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay ku egtahay 08 Jan 2024 ee ku aadan in uusan banayn hogaanka Puntland isla markaana uu ka tusaale qaato dowladda Itoobiya oo inta badan ay ka talin jireen hogaamiyayaal ciidan oo tobanaan sano xukunka hayn jiray inta badan hal xisbi ay ka jireen dalkaasi.

Mucaaradka Deni ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in qorshaha Deni uu yahay Isaga oo isla Deni la tartamaya balse tusaale qaadashadiisa maanta ayaa cadaysay eedii mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM