Madaxweyne Farmaajo “Dhaliisha dib noogu dhiga”

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan casho ah caawa kula qaatay magaalada Muqdishu baxda saxaafadda iyo Guddoonka ururka ay ku midaysanyihiin.

Shirkan, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, halka dhinca wabaahinta ay ka joogeen Xog-hayaha iyo guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta NUSOJ, wakiillo, madax ka socotay warbaahinta gaarka loo leeyahay,  Wariyaal iyo Rug cadaayo Saxaafadeed.

Ujeedada guud ee isu imaatanka labada dhinac ayaa ahaa sidii loo taageeri lahaa dowladda cusub islamarkaana loogu istaagi lahaa ilaalinta sumcadda dalka oo loo yarayn lahaa dhaliilaha xukuumadda.

Xubno u hadlay warbaahinta oo uu ka mid ahaayeen xog-hayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimmuu iyo Ustaad Yuusuf Xasan oo ah Rug-caddaa saxaafadeed ah, ayaa waxa ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay ilaalinta xaquuqda Suxufiyiinta, dhankooduna ay diyaar u yihiin ay ka qeyb-qaadaan dowladnimada iyo horumarinta waddanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka cashada ah, ayaa ugu horreyn u tacsiyeeyey dhammaan saxafiyiintii Soomaaliyeed ee ku dhintay ama ku waxyeelloobey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Madaxweynaha, ayaa u soo jeediyey oo ka codsadey dhammaan warbaahinta iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay si dhab ah ugala shaqeeyaan dowladda, amniga, xal u helidda abaaraha iyo horumarinta  dhammaan hey’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu u furan yahay warbaahinta Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana si loo wada guuleysto ay dowladdu ku gacan siiyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa rajada ay shacbiga uga fadhiyaan dowladdaan.

Warbaahinta Somaliyeed oo kusoo shaqaysay duruufo adag oo colaado iyo amni darrada isugu jira, ayaa waxaa saameeyay bur-burka waddanka ka dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM