Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Barlamanka Turkiga oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Waxaa maanta magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ku kulmay Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia iyo Guddoomiyaha Barlamanka waddankaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta golaha Barlamanka maamulkaas ayaa looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia iyo sidii kor loogu qaadi lahaa calaaqaadka labada dowladooda.

Waxaa sidoo kale kulankaas uu ku saabsanaa sidii Guddoomiyaha Barlamanka Turkiga Ismail Kahraman, uu soo dhaweyn ugu samayn lahaa wafdiga dowladda Somalia ee Ankara jooga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la geeyay mudadii uu socday kulanka labada dhinac goobo taariikhi ah oo ay kamid tahay beerta nashada ee uu ku duuganyahay aas-aasihii Turkiga halkaasoo uu Ubax dhigay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Turkiga Ismail Kahraman, ayaa Madaxweynaha Somalia ugu hambalyeeyay doorashadii uu ku guulaystay Labo bilood kahor iyo sidoo kale dadaaladiisa ku aadan inuu soo celiyo rajada shacabka.

Ismail Kahraman, ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii kor loogu qaadi lahaa calaaqaadka labada waddan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale la kulmo Madaxweynaha Turkiga oo ay kawada hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Somalia iyo xiriirka labada dowladood.

Waa booqashadii ugu horaysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Turkiga tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Somalia Febrayo 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM