Madaxweyne Farmaajo oo daboolka ka qaadey Arin Sir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay si carro leh uga hadlay dadka mucaaradka ku ah dowladdiisa, ee ka shaqeynaya inay fashilinto.

"Waxaan caawa adinla wadaagayaa arin sir ah, waxaad hadda arkaysaan afar sano kahor way jirtay, dowladii dowladdan ka horeysay markii la doortey iyadoo 6 bilood jirta ayaa la ila soo hadlay oo la yiri waa la mucaaradayaa kasoo qeyb-gal, waa xaqiiqo waxaan adin sheegayo, waxaan ku iri dowladdan lix bil ayay jirtaaye maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in dadka howshaas ku jiray ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Xasan Sheekh inay hadda ka shaqeynayaan inay dumiyaan dowladda Federaalka ee uu isaga hogaanka u hayo.

Farmaajo ayaa xusay in mucaaradka dowladdii Xasan Sheekh uu kula taliyay inay fursad siiyaan oo aysan ka hor-imaan iyada oo aan waxba qaban, oo mudo ka yar hal sano joogta Villa Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in mucaaradkii Xasan Sheekh ay yihiin mucaaradka maanta oo doonayaan inay jilbaha dhulka u dhigaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM