Madaxweyne Farmaajo oo daboolka ka qaadey Arin Sir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay si carro leh uga hadlay dadka mucaaradka ku ah dowladdiisa, ee ka shaqeynaya inay fashilinto.

"Waxaan caawa adinla wadaagayaa arin sir ah, waxaad hadda arkaysaan afar sano kahor way jirtay, dowladii dowladdan ka horeysay markii la doortey iyadoo 6 bilood jirta ayaa la ila soo hadlay oo la yiri waa la mucaaradayaa kasoo qeyb-gal, waa xaqiiqo waxaan adin sheegayo, waxaan ku iri dowladdan lix bil ayay jirtaaye maxay sameysay oo lagu mucaaradayaa," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay in dadka howshaas ku jiray ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Xasan Sheekh inay hadda ka shaqeynayaan inay dumiyaan dowladda Federaalka ee uu isaga hogaanka u hayo.

Farmaajo ayaa xusay in mucaaradka dowladdii Xasan Sheekh uu kula taliyay inay fursad siiyaan oo aysan ka hor-imaan iyada oo aan waxba qaban, oo mudo ka yar hal sano joogta Villa Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in mucaaradkii Xasan Sheekh ay yihiin mucaaradka maanta oo doonayaan inay jilbaha dhulka u dhigaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin, sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM