Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Farmaajo oo Shirka Khudbad ka jeediyay ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka isaga oo xusay in iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub uu muhiim u yahay xallinta caqabadaha horyaalla labada dhinac oo u baahan wadashaqayn iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweynaha ayaa intii aanu ka soo ambabixin magaalada Sharm El-Sheikh waxa uu saaka la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Denmark Mudane Lars Rasmussen, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii Denmark u maalgashan lahayd Soomaaliya, sarena ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso Dowladda Federaalka.

Intii uu ku sugnaa magaalada Sharm El-Sheikhshir, Farmaajo ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalalka Ciraaq, Talyaaniga iyo Sweden, isaga oo kala hadlay inay dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab istaagaan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto in deynta laga cafiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM